Posts

Xeer-dejinta hannaanka labada gole (Bicameral system)

Image
Dowladnimada iyo xukunka madaniga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa kuu soo kordhay hannaanka xeer-dejinta labada gole ee Baarlamaanka, haddaba qoraalkani waxa uu xoogga saarayaa fasiraadda iyo sooyaal xeerdejinta laba gole oo Baarlamaan. Habkan waxa qaatay inta badan dowladaha federaalka ah ee waaweyn, kadib markii ay soo baxday baahida sameynta dowlad tala-wadaag ah, oo awooddu u qaybsan tahay gobolada iyo dowladda dhexe. Hannaanka labada gole e sharci-dejinta dhammaan waddamada qaatay waxa ay ku saleeyeen sameyska iyo qaabka dhaqan iyo dhaqaale ee waddamadooda. Waddamada qaatay ee hadda ku dhaqma waxa kamid ah ingiriiska: 1.       Argentina, Arjantiina 2.       Australia, Ustareeliya 3.       Belgium, Biljam 4.       Canada, Kanada 5.       Germany, Jermani 6.       India,  Hindi 7.       Pakistan, Bakistaan 8.       Russia, Ruuska 9.       Mareykanka, Waa maxay xeer dejin ? Aragtida dowladnimadu, waxa ay ku billaabatay ha

Qodobada ay dowladaha Qadar saaray cunuqabateyntu ku xireen qaadista cunaqabateynta

Image
1.       In Qadar; si rasmi ah shaaca uga qaaddo hoos u dhigidda xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddanka Iiraan, xirtana dhammaan laamaha diblomaasiyadeed ee Iiran, dalkeedana ay ka eriso xubnaha raacsan iyo kuwa ku xiran ciidanka Illaalada Kacaanka Iiraan, kuna koobnaato iskaashiga ganacsi ee ay la leedahay iiraan, kaas oo aan wax u dhibeyn cunaqabateynta adduunka iyoo Mareykanku saaray Iiraan, sidaas oo kalana aan wax u dhibeyn nabadgelyada golaha iskaashiga dowladaha gacanka Carbeed, sidaas oo  kalana ay jarto dhammaan wixii iskaashi Milateri iyo mid sirdoon ah oo kala dhexeeya Iiraan. 2.       In Qadar; sii dhaqsi ah u xirto saldhigga ciidanka ee Turkigu ka sameysanayo Qadar, iyo joojinta iskaashi walba oo ciidan oo ay Qadar la leedahay Turkiga, kaas oo ka socda gudaha Qadar. 3.       In Qadar; shaaciso goynta xiriirka dhammaan ururada Aragixisada, kuwa koox-diimeed, kuwa aragtiyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan (Ikhwaanul Muslimiin-Daacish, Alqaacidda, Fatx

“Dowlad u adeegta ummadda ee aan ka adeegan”

Image
Hadalada madaxweynuhu waxa ay leeyihiin rajo iyo yididiilo fiican, markii aan maqlay qeexidda uu siiyey xukuumadda uu dhisayo iyo qaabka uu doonayo in ay u shaqeyso, waxa aan  ka fahmay in uu ogyahay xanta iyo waxa ay dadweynuhu ka yiraahdeen xukuumadihii hore. ·         Dowlad u adeegta ummadda ee aan ka adeegan. ·         Dowlad u turta oo aan ku tuman. ·         Dowlad u shaqeysa oo aan ka shaqeysan. ·         Dowlad u roon oo aan raran" Ereyga dowlad macnihiisa casriga ah, waa adeeg iyo daboolidda baahida dadkeeda, Sidaas awgeed  haddii ay hadalada madaxweyne Maxamed C/llaahi noqdaan ficil  raynraynta shacabka Muqdisho ayaa run noqon doonta. In aan sameeyo qoraalkan, waxa ay igu soo dhacday aniga oo hurda, waxa aan is iri; haddii aad subaxa gaarto armaad illowdaa waxa aad dooneyso in aad ku sheegto, sidaas awgeed ayaan toosay oo sii billaabay waxa ugu muhuumsan. Hab-socodka dowladnimada Soomaaliya; maalinba meel ayuu soo joogay, hadba xukuumad iyo madax ayaa l