“Dowlad u adeegta ummadda ee aan ka adeegan”
Hadalada madaxweynuhu waxa ay leeyihiin rajo iyo
yididiilo fiican, markii aan maqlay qeexidda uu siiyey xukuumadda uu dhisayo
iyo qaabka uu doonayo in ay u shaqeyso, waxa aan ka fahmay in uu ogyahay xanta iyo waxa ay
dadweynuhu ka yiraahdeen xukuumadihii hore.
·
Dowlad u adeegta
ummadda ee aan ka adeegan.
·
Dowlad u turta
oo aan ku tuman.
·
Dowlad u
shaqeysa oo aan ka shaqeysan.
·
Dowlad u roon oo
aan raran"
Ereyga dowlad macnihiisa casriga ah, waa adeeg iyo
daboolidda baahida dadkeeda, Sidaas awgeed
haddii ay hadalada madaxweyne Maxamed C/llaahi noqdaan ficil raynraynta shacabka Muqdisho ayaa run noqon
doonta.
In aan sameeyo qoraalkan, waxa ay igu soo dhacday
aniga oo hurda, waxa aan is iri; haddii aad subaxa gaarto armaad illowdaa waxa
aad dooneyso in aad ku sheegto, sidaas awgeed ayaan toosay oo sii billaabay
waxa ugu muhuumsan.
Hab-socodka dowladnimada Soomaaliya; maalinba meel
ayuu soo joogay, hadba xukuumad iyo madax ayaa la kufaa kacayey, laga soo billaabo Ahun Aadan Cadde illaa
xilligan oo uu golaha shacabku doortay Madaxweyne Farmaajo.
Madaxdaas iyo xukuumadahaasi waxa ay soo qabteen
shaqo fiican, waxa ay keeneen intii karaankood ah heer fiican iyo meel laga sii
dhaqaajin karo, sidaas awgeed waxa aan rabaa in aan sheego in hadalkii
madaxweyne Farmaajo ee ahaa:-
“Ugu dambeystii xaalad adag ayaan ku jirnaa, waddankaan 26;sano wuxuu ku jiray dhibaato, Burbur, Qax iyo dowlad la’aan, ee hal habeen iyo laba habeen iyo 5; bilod wax kuma hagaagi karaan……”
Waxa aan u qaadanayaa in hadalkaasu ahaa mid uu
keenay dareenka madaxweynaha iyo farxadda guushiisa, Madaxweyne Farmaajo isaga
ayaa noqday Wasiirka koowaad ee xukuumaddii ka horeysay xukuumadda uu hadda
xilka kala wareegay, sidaas awgeed waxa aan filayaa in hadalkaasi uusan ahayn
mid ku talagal iyo qorshe ku yimid ee uu ahaa sare-joog ka tuur.
Inta aan arkay dadka wax ka qora dowladnimada
Soomaaliya; oo ay ku jiraan shisheeye waxa ay u qaybiyeen 3; heer,
1. 1960-1969;
2. 1969-1991
3. 1991-hadda
·
1960-1969;
Laba madaxweyne iyo laba raisalwasaare ayaa xilligan soo maray, waxa ay jireen
muddo 9;sano ah, waxa uu ahaa xilligaas kan ugu fiican ee qaaradda Afrika ee
xilka iyo awoodda si nabad iyo doorasho ah la isugu wareejiyo.
Waxa dhismay xisbiyo
siyaasadeed; oo ku qanacsan in ay tartamaan oo haddii looga adkaadana ay iska
tagaan, u na hambalyeeya xisbigii guuleysta, ma qabo in ay wax walba
hagaagsanaayeen, balse waxa jiray horudhaca in ay wax walba hagaagaan.
Waxa suurtagal ah in dadka qaar ku sheegeen in uu
ahaa waqti muusuq iyo wax isdaba-marin ah, taasi waa dacaayad uu sameeyey
hoggaamiyihii Kacaanka, Ahun Maxamed Siyaad Barre; oo doonayey in uu u qiil
dayo afgenbiga uu ku sameeyey xukuumad rayid ah.
Waan ogohay in ay jirto aragti kale oo qabta sidaas,
balse waxa aad doonayaa in aan miisaano garashada qofka ammaanaya afgenbigii
ciidanku ku riday xukuumaddii Ahun; Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ee haddana
cambaareynaya inqilaabkii fashilmay ee
saraakiil kamid ah ciidanka Turkigu, isku dayeen in ay ku ridaan
madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
·
1969-1991;
Madaxweyne qura, oo talada iyo xoogguba ay gacantiisa ku jiraan ayaa jira
xilligan, waxa uu qabtay wax fiican oo la mahadiyo hayeeshee mashaakil illaa
maanta taagana waa loo tirinayaa.
·
1991-hadda;
6; madaxweyne ayaa isaga dambeeyey xilka iyo hoggaanka, awooddoodu hadbain ayay
la ekeyd, waxa ay soo taageen meesha ay maanta joogto, wixii ay awoodaan waa ay
qabtaan, aragtideyda waa in aan u qaadano madax iyo geesiyaal soo shaqeeyey
waqti adag.
Guul-wadeynta
Waxa ii muuqata in
haddaba ay billaabatay tirinta suugaan ammaan iyo guulwadeyn u badan, sababta
ugu weyn waa hal-abuurkeena intiisa badan oo muddo ku hoos noolaa madax u
oomman in la ammaano, iyaga oo marka loo heesana maal iyo guryo ku bixiya.
Hal-abuurka waxa aan ka
codsanayaa in ay ogaadaan in waqtigii Guul-wade gabbalkiisu dhacay, dastuurka
iyo dowladnimada loo socdaana ay tahay madax adeegayaal ah; oo la weydiin karo
waxa ay qabanayaan, sidaas awgeed hal-abuurkina si kale uga sameeya lacag,
balse joojiya dhaqanka ammaan lacag ku beddelashada.
Warbaahinta Qaranka
Telefeshinka Qaranka ayaan
ku arkay iyada oo laga baahinayo heeso ammaan iyo raxleyn ah oo madaxweynaha
cusub xagge dambe sawirkiisu ka muuqdo.
Maqaayad weyn ayaan la
fadhiyey odayaal daawanayey Telefeshinka Qaranka, waxa ay isweydiiyeen su’aal
ah “Ninkii yimaadaba ma in la ammaano ayuu shaqada ka billaabaa”?
Warbaahinta qaranku
waxa ay guulwadeyn ku jirtay muddo dheer, maanta waa in ay beddesho wejigeeda,
dhammeysaana dhaqankaas iyo qof ku soo bandhigo suugaanta iyo aftahannimada cid
gaar ah.
Madaxtooyada
Shaqaalihii ka shaqeynayey xilligii xukuumaddii
hore; aragtideyda waxa ay isugu jireen dad fiican oo aqyaar ah iyo Rag soo
galay iyaga oo ka faaiideysanaya xiriirkii ay la lahaayeen madaxweyne Xasan
Sheekh;dabcan rag kale ayuu la yimid madaxweynaha cusub, rajo weyn ayaan ka
qabaa in ay waxbadan dhaami doonaan kooxdii hore.
Markii ugu fiicnayd ee Warbaahinta madax
bannaani heshay xiriir fiican oo u
dhexmara madaxtooyada iyo Warbaahinta, waxa ay ahayd intii uu joogay Daauud
Aweys, aad ayuu u xumaa habka ay kooxda xiriirka warbaahinta ee madaxtooyadu
ula dhaqmo xarumaha warbaahinta iyo shaqaalahaba, waxa aan xusuustaa in xogta
caadiga ah ee madaxtooyadu ugu talagashay in la baahiyo ay kooxdii hore
qaarkood helidda xogtaas u diidaan ama ka dib dhigaan warbaahinta madaxa
bannaan, sidaas awgeed waxa aan filayaa in taasna wax iska beddelin doonaan.
WQ: Axmed Ciise Guutaale
Dersa Sharciga iyo Qaanuun
Comments
Post a Comment