Qodobada ay dowladaha Qadar saaray cunuqabateyntu ku xireen qaadista cunaqabateynta




1.      In Qadar; si rasmi ah shaaca uga qaaddo hoos u dhigidda xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddanka Iiraan, xirtana dhammaan laamaha diblomaasiyadeed ee Iiran, dalkeedana ay ka eriso xubnaha raacsan iyo kuwa ku xiran ciidanka Illaalada Kacaanka Iiraan, kuna koobnaato iskaashiga ganacsi ee ay la leedahay iiraan, kaas oo aan wax u dhibeyn cunaqabateynta adduunka iyoo Mareykanku saaray Iiraan, sidaas oo kalana aan wax u dhibeyn nabadgelyada golaha iskaashiga dowladaha gacanka Carbeed, sidaas oo  kalana ay jarto dhammaan wixii iskaashi Milateri iyo mid sirdoon ah oo kala dhexeeya Iiraan.

2.      In Qadar; sii dhaqsi ah u xirto saldhigga ciidanka ee Turkigu ka sameysanayo Qadar, iyo joojinta iskaashi walba oo ciidan oo ay Qadar la leedahay Turkiga, kaas oo ka socda gudaha Qadar.
3.      In Qadar; shaaciso goynta xiriirka dhammaan ururada Aragixisada, kuwa koox-diimeed, kuwa aragtiyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan (Ikhwaanul Muslimiin-Daacish, Alqaacidda, Fatxu-shaam (Jabhadda Nusra) Xisbullaah, ayna Qadar ku darto ururadaas liisaska argagixisada, ayna ku biiriso ururradaas liiska argagixisada ee 4-ta dowladood, ayna aqoonsato jiritaanka liiskaas iyo kuwa la soosaari doono Mustaqbalka.

4.      Joojinta dhammaan taageerada maalgelineed ee Qadar siiso Shaqsiyaad, Ururo, Kooxo argagixiso iyo kuwa xagjir ah, sidaas oo kalana ay ku darto liiska aragagixisada dowladaha 4ta ah, iyo Liiska argagixisada ee Mareykanka.

5.      In Qadar; soo dhiibto dhammaan xubnaha argagixisada ah, iyo kuwa ay doondoonayaan dowldaha 4-ta ah, iyo kuwa ku jira Liiska aragagixisada Mareykanka, ayna gacangeliso dhammaan wixii hanti guurto iyo ma guurto ah oo ay leeyihiin, islamarka la dhiibayo, sidaas oo kalana aanay dib dambe u magan gelin xubno kale, ayna isku waajibiso dhibidda wax walba oo xog ah oo ku saabsan xubnaha, gaar ahaan dhaqdhaqaaqooda, meelaha ay joogaan, xogaha hantidooda iyo soo celinta ddhammaan dadka ay Qadar ka saartay dalkeeda kadib markii loo jaray xiriirka, kuna celiso dhammaan dadkaas waddamadooda asalka.
6.      Xiridda kanalka ama telefeshinka Aljaziira, iyo kanaalada raacsan.
7.      In Qadar joojiso faragelinta dowladaha iyo  aramihooda gudaha, sidaas oo kalana danahooda arrimaha dibadda.
8.      In Qadar magdhow ka bixiso  dhammaan dhimashada iyo khasaaraha iyo wixii hanti uga lumay dowladaha 4ta ah, sababo ay leedahay siyaasadda Qadar sanadihii tegey.
9.      In Qadar noqoto dowlad la falgasha bahwadaagteeda Khiliijka iyo tan Carbeed, dhammaan dhinacyada (Millateriga, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Nabadgelyada)
10.  In Qadar soo dhiibta xogta Baraha gaarka ah ee mucaaradka  ay taageerto iyo caddeynta noocyada taageerada la siiyo
11.  Xiridda dhammaan warbaahinta ay u taageerto Qadar si toos ah iyo si dadbanba (tusaale ahaan Barta Carabi21; Rasdu Alcarabi aljadiid, Mukamiliin; Shaqri, middle east;
12.  Dhammaan qodobadan waa in la isku afgarto muddo 10; maalmood ah, lagabillaabo maalinta la soo jeediyey, haddii kale waxa ay noqon doonaan waxba kama jiraan.
13.  Heshiiska waxaa ku lammaansanaan doona  ujeeddooyin cad iyo hab cad, waana in la diyaariyo Warbaxino wareegto ah hal mar bil walba sanadka hore, Hal mar, saddexdii bilba sanadka labaad, hal mar sanad kasta muddo 10; sano ah

Comments

Popular posts from this blog

“Dowlad u adeegta ummadda ee aan ka adeegan”

Xeer-dejinta hannaanka labada gole (Bicameral system)