Xeer-dejinta hannaanka labada gole (Bicameral system)
Dowladnimada
iyo xukunka madaniga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa kuu soo kordhay
hannaanka xeer-dejinta labada gole ee Baarlamaanka, haddaba qoraalkani waxa uu
xoogga saarayaa fasiraadda iyo sooyaal xeerdejinta laba gole oo Baarlamaan.
- Habkan waxa qaatay inta badan dowladaha
federaalka ah ee waaweyn, kadib markii ay soo baxday baahida sameynta
dowlad tala-wadaag ah, oo awooddu u qaybsan tahay gobolada iyo dowladda
dhexe.
Hannaanka
labada gole e sharci-dejinta dhammaan waddamada qaatay waxa ay ku saleeyeen
sameyska iyo qaabka dhaqan iyo dhaqaale ee waddamadooda.
Waddamada
qaatay ee hadda ku dhaqma waxa kamid ah ingiriiska:
1.
Argentina, Arjantiina
2.
Australia, Ustareeliya
3.
Belgium, Biljam
4.
Canada, Kanada
5.
Germany, Jermani
6.
India, Hindi
7.
Pakistan, Bakistaan
8.
Russia, Ruuska
9.
Mareykanka,
- Waa maxay
xeer dejin?
Aragtida dowladnimadu, waxa ay ku billaabatay hab
xukunku uu gacanta ugu jiro boqorka ama madaxweynaha, sidaas awgeedna waxa ay
ahaayeen isha dhammaan xeerarka iyo amaradu ay ka soo fulaan.
Aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda (trias
politica)[1],
oo muddo dheer soo jiitantay, ayaa
Qarnigii 18aad, waxa horumarin iyo dhaqan gelin ku sameeyey Charles de
Montesquieu, oo ahaa aqoon yahann faransiis ah, waxa uu daabacay buugga caanka
ah ee “De L’esprit des Lois”, sanadkii
1748-dii, aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda ee uu horumariyey Charles,
waxa ay saameyn weyn ku yeelatay dastuurkii Mareykanka ee sanadkii 1789,
Kacdoonkii Faransiiska ee 1791-dii, sidaas oo kalana waxa ay gaartay waddamo
badan oo reer Yurub ah.
Laba tiir oo ay aqoon yahanka reer galbeedku
aaminsanaayeen ,in dowladnimada casriga ah lagu dhisi karo ayaa midkood ahaa
kala saaridda awoodaha laamaha dowladda, kaas oo hirgelintiisu qaadatay muddo
dheer, hayeeshee muddo kadib ka
dhaqangalay qaaradda Yurub.
Qodobka labaad ee ay u arkayeen, in dhismaha
dowladnimo casri ah uu horseedi karo, waxa uu ahaa kala saaridda dowladda iyo
diinta ama waxa maanta loo yaqaan Calmaaniyadda.
Aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda (trias
politica), waxa ay ku dhisan tahay in laamaha dowladdu ay noqdaan 3; laamood,
oo kala ah:
- Xeer-dejin
(Gole keli ah ama laba gole)
- Fulin
- Iyo Garsoor
Laanta xeer-dejinta oo uu qoraalkani ku saabsan
yahay, waxa lagu qeexaa in ay tahay:-
“Hab isu-tag ah oo lagu wadaago awoodda
meelmarinta, wax ka beddelidda, dib u eegidda iyo baabi’inta xeerarka iyo
qawaaniinta”
Labada gole ee xeerdejintu waxa ay leeyihiin magacyo
kala duwan oo ay waddamada ku dhisani u yaqaaniin sida: Baarlamaan iyo Gole
xeer-dejin,
Waxa jira noocyo badan oo loo dhiso golayaal
xeer-dejin, kuwaas oo ka badan mid iyo laba, hayeeshee waxa ugu caansan labada
jaad ee kala ah:
- Xeer-dejin
ku dhisan gole keli ah (Unicameral legislature)
- Xeer-dejin
ku dhisan 2; gole (Bicameral legislature)
Waxa jira hab naadir
ah oo aad u yar, kaas oo ah xeer-dejin ku dhisan 3; gole
III.
Shaqada iyo
Awoodaha xeer-dejinta.
- Dejinta
xeerarka iyo qawaaniinta (Awoodda
meelmarinta, Wax ka beddelidda iyo Baabi’inta)
- Ku
Metelidda dadweynaha hab-socodka xeer-dejinta
- Meelmariyaan
iyo in ay diidaan miisaaniyadda dowladda iyo xeerarka kale ee dhaqaalaha
la xiriira.
- Kormeeraan
hay’adaha Garsoorka iyo Fulinta ee dowladda
- In ay dib u
eegid iyo wax ka beddelid ku sameeyaan dastuurka
- Nuuca
shaqada hay’adda xeer dejinta iyo tiirarka lama huraanka u ah.
Hay’adda xeer-dejintu waa golaha ugu weyn awood
wadaagga dadweynaha iyo dowladda, taas oo iyada oo adeegsaneysa awoodda
dadweynaha qabata shaqada meelmarinta, Wax ka beddelidda, dibu eegidda iyo
Baabi’inta xeerarka iyo qawaaniinta ay laanta fulintu soo diyaariso, sidaas oo
kalana waxa ay hay’adda xeer-dejintu kormeerta shaqada laanta garsoorka.
Sidaas awgeed 2;qodob oo waaweyn ayaa lagu soo
koobaa nuuca shaqada Hay’adda xeer-dejinta, kuwaas oo kala ah:-
- Hubinta
metelaadda dadweynaha oo kala aragti iyo aqoon duwan.
- Hubinta isu
dhignaanta metelaadda dadweynaha, iyo deegaanada, halkii ay tiro badan ka
iman lahayd gobol, mid kale tiro yar.
- Xeer-dejin
laba gole (Bicameral legislature)
Guddigii dejiyey dastuurka kmg ah ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliyeed, ayaa isku raacay in hannaanka dib u dhiska
dowladnimada Soomaaliya uu yeeshe baarlamaan ka kooban laba gole xeer-dejineed,
sidaas awgeed, dastuurka ayaa si fiican u qeexay shaqada iyo jiritaanka aqalka
sare oo metelaya dowlad-goboleedyada xubaha ka ah dowladda federaalka.
Waxa la isweydiin karaa sababta looguu baahday in
dhismaha dowadnimada Soomaaliya yeesho aba gole xeer-dejineed, inkasta oo aan
dastuurka kmg ah ee la ansixiyey Agusto-2012, haddana aragtida ka dambeysa
adeegsiga xeer-djin laba gole ku dhisan oo inteeda badan katimid waddamada
Giriigga, India iyo Rome, waxaase aragtidan si fiican loogu shiilay looguna
dhallaaliyey Yurub.
Sababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya hindisidda
aqalka sare waxa kamid ah:
- In la
cabburiyo oo neefta loo diido kaligi-talisnimada inta badani ku sameeyaan
inta yar, taas oo dhibaato weyn ku haysay waddamada aqoon yahanka dhaliyey
aragtida dhismaha aqalka sare, iyada oo la dhiirrigelinayo wada-noolaansho
nabad ku dhisan oo dhex mara dad kala dhaqan, diin iyo Af duwan
- Dhiirrigelinta
in dad waaya-aragnimo iyo aqoon leh ay galaan dowladnimada
- Awoodsiinta
qaanuun yahanka iyo xirfadlayaasha si ay u hubiyaan dheellitirka laamaha
dowladda (check and balance)
Tirada xubnaha aqalka sare ee Soomaaliyada cusub waa
54, xubnood, oo lagu saleynayo goboladii 1991-dii,
Marka aad aragto qodobka 71aad ee dastuurka km
ah;
- Aqalka sare
(Guurtida) waxa uu golaha shacabka la wadaagayaa awoodda xeer-djinta, sida meelmarinta, Wax ka beddelidda
dastuurka, dibu eegidda iyo Baabi’inta xeerarka iyo qawaaniinta.
- Waxa uu ka
qaybqaadanayaa doorashada madaxweynaha iyo xil ka qaadistiisa
- Xaaladaha
degdegga ah iyo xilliyada dagaal ku dhawaaqidda ayaa kamid ah shaqada
aqalka sare
- Waxa uu ka
qaybqaadanayaa magacaabidda guddiyada
Adeegga garsoorka,
Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha maxkamadda dastuuriga ah, Guddiyada qaran ee
Doorashooyinka, Xudduudaha iyo Xallinta khilaafka.
Marka laga hadlayo habka loo xallinayo haddii
khilaaf ku saabsan go’aan siyaasadeed ka
dhex dhasho labada gole waxa si kooban u
sheegaya qodobka 81aad.
VI.
Ceebaha
hannaanka Aqalka sare (Guurtida)
Aqoon yahan badan oo wax ka qoray aragtida
dowladnimada ayaa isweydiiya sabab loogu baahan yahay aqal sare, mar haddii golaha
shacabku uu qabanayo shaqada xeer-dejinta, ee wax ka beddelidda, dib u eegidda
iyo baabi’inta xeerarka?
Balse waddamada u arkay xal in ay yeeshaan hannaan
ku dhisan xeer-dejin laba gole, waxa ay qabaan in aqalka sare uu u taagan yahay
hubinta xeerarka ka soo baxaya laanta fulinta ee soo mara golaha shacabka, inta
aanay gaarin heerka dhaqangelinta iyo saxiixa madaxweynaha.
Waddamo badan ayaa
awoodda xeer-dejintooda sal uga dhigay Aqalka sare, waxa kamid ah
Mareykanka, Kanada, Hindiya, Jermani iyo Jabbaan.
Mareykanka waxa xoogga xeer-dejineed iska leh Aqalka
sare (Congress), sababta ugu weyn waxa uu dastuurka Mareykanku ku sheegay in ay
tahay:
In la meelmariyo ka hortag ka dhan ah
keligitalisnimo, sababta oo ah aqalka sare waxa uu hubinayaa oo kormeerayaa
dhaqdhaqaaqyada ku laran xeerarka ee keligi talisnimadu ka dambeyso, kuwaas oo
soo mara golaha shacabka.
VII.
Dhismaha
aqalka sare ee Soomaaliya
Waxa jira welwel badan oo haya dadweynaha
Soomaaliyeed, kaas oo ku wajahan sida ay kalanoqon doonta shaqada Golaha
shacabka iyo tan aqalka sare, taas waa suuragl in wax ka jiraan, balse aan meel
kale ka eegno.
Aqalka sare oo metelaya dowlad-goboleedyada xubnaha
ka ah dowladda dhexe ee maanta jira waxa uu leeyahay awood uu ku metelo
dowlad-goboleedyada, sidaas awgeed waxa hoos u dhici doona iska hor imaadka
dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, halkaasna waxa ka sameysmi kara
is-aaminaad iyo in muwaadiniinta dowlad-goboledyadu helaan cid leh awood ay
kula dooddo dowladda dhexe.
Xubnaha golaha shacabku malaha awood ay ku difaacaan
gobolada ay ka yimaadeen, xitaa haddii ay isku dayaanna wax weyn ma sameyn
karaan, sababtuna waa in ay u dhexeeyaan muwaadiniinta oo dhan, si kale
xildhibaan kasta oo kamid ah golaha shacabku waxa uu metela guud ahaan ummadda
Soomaaliyeed, sidaas awgeed ma geyn karo golaha shacabka arrin deegaan ama cid
gaar ah u dan u ah, halka xubnaha aqalka
sare ay si toos ah ugu doodi karaan dowladgoboleedyada ay ka soo jeedaan.
VIII.
Xaggee
ka iman doonaa khilaafka golayaasha Baarlamaanku?
Aqalka sare mar haddii uu metelayo
dowlad-gobleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka waxa uu adeegsan doonaa
awooddiisa dastuuriga ah, taas oo ka dhigan in marka lagareebo 4; arrimood uu
inta kale ku diidi karo xukuumadda iyo madaxweynaha:
Datuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda
Federaalka ee Soomaaliya, cutubkiisa 5aad, qodobka 54aad, waxa uu kala qaybiyey
awoodaha iyo sida ay u kala leeyihiin dowladda dhexe ee federaalka iyo
dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah , isaga oo u la dhaqmaya dowladda dhexe ee
federaalka habka koobidda awoodaheeda, kaas oo halistiisa leh,
Cutubka
5aad, Qodobka 54aad. Kala Qaybinta Awoodaha
“Awood-qaybsiga siyaasadeed
iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka
mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo[2]:
1) Arrimaha Dibadda;
2) Difaaca Qaranka;
3)Jinsiyadda iyo
Socdaalka iyo
4) Siyaasadda Lacagta,
oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka”...
Qodobka 2aad ee difaaca qaranka, aqalka sare waxa uu
dastuurku siinayaa awood uu uga qaybqadan karo ku dhawaaqidda xaaladdagaal.
Arrinta ugu weyn ee lagayaabo in ay dhaliso dood iyo
khilaaf dhexmara labada gole ee Baarlamaanku, waa qodobka ku saabsan go’aanada
siyaasadeed, oo aad mooddo in dastuurka qudhiisu u dhigay si isku dhex
yaacsan,.
Laga billaabo qodobka 81aad illaa Qodobka 83aad,
waxa ka dhalan doona dood adag, haddiiba ay dhacdo in xukuumaddu qaadato
go’aano siyaasadeed saameeyn leh.
WQ:
Axmed Ciise Guutaale
Dersa
shareecada iyo Qaanuunka
Comments
Post a Comment